Hay’ada Laga Dagaalanta Daawada Jirka Kordhisa Ee Dalka Brazil Oo Qaadey Talaabo Adag

0
331

Rio de Janeiro(INO)- Hay’adda ladagaallanka daawada awoodda jirka kordhisa ee WADA ayaa waxa ay sheegtay inay joojineyso in Rio laga sameeyo Sheybaarka daawadaasi ee tijaabooyiinka lagu sameeyo.

Arrintan ayaa imaaneysa isbuucyo ka hor, bilaabashada tartamada ciyaaraha fudud ee sanadkan lagu qabanayo magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Madaxda hay’adda WADA waxa ay sheegeen in magaalada aysan lahayn heerarka caalamiga ah ee Shaybaarada.

Laanta Ladetec waxa ay haysataa 21 maalmood oo ay racfaan uga qaadato go’aankaasi.

WADA ayaa mar joojisay baaritaannada 2013kii, kadib markii natiijo baaritaan been ah la soo saaray.

Joojinta tijaabada lagu sameynayo Brzail wax la yaab leh ayey dalkaasi ku tahay, iyadoo aad loogu soo dhawaaday xilliga ay bilaabanayaan tartamada Olympic Games, oo la filayo Bisha August inay furmaan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay