Xuddur (INO) – Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in la Gargaaray dad badan oo Baahnaa, Balse uusan Gargaarku si ku Filan dadka u Gaarin, wuxuuna Codsaday in Waddooyinka la Furo.
Gargaar Raashin u Badnaa ayaa Degmadaasi waxaa ka qeybisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada ee WFP, waxayna taasi Wax badan ka tartay Xaaladda Nolosha dadka Xudur oo aad u Hooseysay ka hor Gargaar qeybinta.
Gudoomiyaha Degmada Maxamed Macallin ayaa u sheegay Warbaahinta Idale News Online in Raashiinkani uu yahay mid ay dadka u Baahnaayeen, maadaama Xaalad adag ay ka jirtay degmada, hase ahaatee weli aanu ku filneen Baahida dadku ay qabaan.
Waxa uu sheegay in marka loo eego Xadiga Dhibaatada ka jirta degmadaasi iyo Baahida ay qabaan dadka Shacabka ah aanay kaafin Raashiinkaasi, isaga oo sheegay in Xaaladda ka jirta degmada ay tahay mid aad u daran.
Idale News Online – Xafiiska Xafiiska Xudur, KGS