Haweeney Xildhibaanad Ahayd oo u Doodi Jirtay Xaquuqda Qaxootiga oo La Dilay

0
343

London(INO)-Booliska Britain ayaa haatan wada baaritaan la xiriira dil loo geystay haweeney xildhibaan dalkaa ka ahayd oo lagu magacaabi jiray Jo Cox.

Jo Cox ayaa ayadu ka tirsanayd xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ee carriga Ingiriiska isla markaana u doodi jidhay xaquuqda qaxootiga gaar ahaan Suuriyaanka iyo guud ahaanba soo galootiga oo dhan.

Haweeneydaas ayaa Khamiistii shalay waxaa lagu dilay toorey iyo xabbad intaba ayadoo kasoo baxaysay xafiiskeeda deegaanka laga soo doorto ee gobolka West Yorkshire.

Nin lagu qiyaasay inuu jiro da’da kontanmeeyada ayaa boolisku sheegeen inuu dilay xildhibaanadaa asagoo ku qeylinaayay ‘Britain First’ oo la macno ah “Britian ayaa kow ah” Ninkaa ayaa haatan wararku waxay sheegayaan in boolisku jeelka soo dhigay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.