Muqdisho(INO)-Alle ha u naxasriiste Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Bay, Ustaad Maadey Siidow ayaa ka mid ahaa dadkii ku Geeriyoodey weerarkii ismiidaamintaa ahaa ee shaley kooxda Al-shabaab ay ku qaadey xarunta wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Dowlada Soomaaliya.
Marxuum Ustaad Maadey Siidow, ayaa ah qof si weyn looga yaqaano Gobolada iyo Degmooyinka ee koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona bare sare ka soo noqdey Dugsiyo kala Gedisan ee Koonfurta Soomaaliya, haatan ahaa, Gudoomiyihii Waxbarashada ee Gobolka Bay.
Werarkii lagu qaadey wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa ku geeriyoodey dad badan kuwaasoo, aan waxba galabsan isla markaana ay sheegatey Wararkaasi in ay ka dambeyso Kooxda Al-shabaab oo Dagaal adag kula Jirto DowladaSoomaaliya Iyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga afrika ee soomaaliya ASMIOM.
Alle ha u naxariiste Gudoomiye Maadey siidow waxa lagu xaasuusan doonaa, kaalintii weynd ee uu ka geystey horumarinta Goobaha waxbarashada ee Gobolka Bay tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya , isgoona sidoo kale ahaa qof aad u naxariis badan.
Ugu dambeyntii waxaan Alle Ugu baryeynaa Inuu geeyo Janadiisa Fardowsa Aamin Aamiin
Idale News Online, Muqdisho