Gudoomiye ku xigeenkii ururkii burburey ee dib u xoreynta Asmara Zakariye Max’ud Xaji Cabdi oo gaarey Garoowe

0
189

Siyaasiga sida weyn looga dhex-yaqaano siyaasada Soomaaliya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, ayaa xilligaan la sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, isagoona la xaqijiiyey inuu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha cusub ee Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi,waxaa uu horrey usoo noqdey guddoomiye ku-xigeenkii Ururkii lugu magacaabi jiray dib uxoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu ahaa ASMARA dalka Ereteria.

Sidoo kale siyaasigan waxaa uu xildhibaan ka soo noqdey dowladdii lugu dhisay dalka Kenya sannadkii 2004, ee uu hoggaamin jiray Allaha u naxaristee Madxaweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

War ay helayso Raxanreeb Online, ayaa xaqiijinaya in siyaasiga Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, uu xilligaan ku sugan yahay magaalada Garoowe, halkaaso oo la sheegay inuu ku yimid casumaad uu u fidiyey madaxweyne C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Arrimaha xilligaan loogu martiqaaday Sakariya magalaada caasumada ah ayaa lugu sheegay inay qeyb katahay talo-galyada xukuumadda cusub ee dhawaan la sugayo inuu soo dhiso madaxweyne C/wali,iyadoona madaxweynuhu uu siyaasigan kala tashan doonno dhismaha gollaha xukuumadda cusub ee Puntland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo ku aadan casuumada uu madaxweyne Gaas u fidiyey siyaasagaan lugu xasuusto doorkii uu ku laha Ururkii lugu magacaabi jiray dib uxoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu ahaa ASMARA dalka Ereteria.

Sakariye-Xaaji-Cabdi1

Idale News Online