Baydhabo(INO)-Iyadoo kulamo maalmo ka socday Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa maanta waxay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay doorteen Gudoomiye, Gudoomiye Ku-xigeen iyo Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka Ee KG Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gollaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa loo doortay Suldaan Buube Cabdalla Buube, Gudoomiye Ku-xigeen Malaaq C/rashiid C/raxmaan halka Afhayeenkana loo doortay Malaaq Maxamed Yacquub Deerow.
Goobta lagu doortay, Odayaashan, waxaa Goob joog ku ahaa wasiiro, Xildhibaano,Saraakiisha Ciidanka Gobolka Bay iyo Ururka Haweenka Ee Degmada Baydhabo.
Balse Doorashadan Maanta ka ka dhacey Magaalada Baydhabo ayaa dhaliilsan waxgaradka badan, kuwaasoo u arko afduub, iyadoona weli la qancin Garabkii Madoobe Nuunow Maxamed Isla markaana aan La siin saamigii ama abood Qiibsigii ay ku heshiiyeen labada dhinac ka dib isku biiradii 3&6 Gobol, oo ahaa 50%.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo