Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka badbaaday Isku-day-Dil

0
322

Qoryooley (INO) – Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxa’ed Nuur (Siidii), ayaa ka badbaaday Isku-day-Dil, kadib markii Koox hubaysan oo loo maleynayo Al shabaab Xalay ku waarareen Hotel uu ka degan yahay Degmada Qoryooley.

Teaser Image Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka badbaaday “Isku-day-Dil”

Qof Goobjooge ah oo Magaciisa ka qaabsaday ayaa Idale News Online  u xaqiijiyay in Rag hubeysan ay Xalay Fiidkii Weerar Culus ku qaadeen Hotel lagu magacaabo Abshir Caalim oo uu degan yahay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi iska hor-imaad ku dhexmaray Ilaaladiisa & kuwa soo weeraray.

Mid kamid ah Illaada Gudoomiyaha ayaa ku dhintay Weerarka halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana la hubin Khasaara dhanka Al shabaab oo iska cararay Goobta markii Rasaas ku dhawaad 20 Daqiiqo socotay is dhaafsadeen Ciidanka sugayaya Amaanka C/qaadir Siidii.

Ma jiro Wax War ah oo kasoo baxay Gudoomiyaha la weeraray, hase ahaatee waxaa Dadka Deegaanka ay sheegayaan in Xaaladda ay tahay Saakay mid deggan, oo aanan jirin saamayn Weerarkii Xalay ku yeeshay Nolosha Shacabka Degmada Qoryooley oo Bishii Maarso 2014 Al shabaab laga saaray.

Idale News Online – Qoryooley

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here