Dhageyso: Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Jubooyinka oo qabanqaabiyey kulankii Nairobi ka dhacey oo sheegay in Jubaland aysan cid gooni ah lahayn Soomaaliyana aysan ka go’aynin

0
193

Gudoomiyaha gudiga ganacsatada Jubaland ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ayaa arimo dhowr ka hadlay oo ay kamid yihiin mowqifka madaxda DFS ee dhismaha Jubaland iyo shirkii afurka ahaa ee siyaasiyiin soomaaliyeed ku kulmeen.Gudoomiyaha oo su’aale uga jawaabayay saxaafiyiin ayaa sheegay in dowladu milyan ku buxisay si dadka wadadagan ee walaalaha ah ee deegaankaa la isugu dilo isagoo dhanka kale  hoosta ka xariiqay in Jubbaladn ay dhisantay  dowladu hadii ay wadahadal rabtana hadh iyo habeen diyaar loo yahay.

[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/07/Ganacsade-Yaasin-Jaamac.mp3]

Ganacsadaha oo mar ka hadlayay mowqifka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yidhi sidan:- ‘‘Waxaa la la yaabanyahay halka nin ee fikirkiisu halka shay ee qudh ah uu noqday uu noqday oo Jubbaland uu noqday.’’

ganacsade-yaasiin

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay cadaalada.

‘Madaxweynaha waxaan leeyahay wiilyar baa tahaye cadaalada ku dhaqan,guryaha la kala dhacay maalbaa la kala dhacay soo celi dadku iyagaa heshiinaye,’’ ayu yidhi ganacsade Yaasiin Jaamac.

Idale News Online