Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo ka badbaadey Qarax lala eegtay baabuurkiisa meel u dhow degmada Yaaqshiid

0
189
Qaraxaan ayaa barqonimadii maanta oo Sabti ah wuxuu ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir. Waxaa la sheegay in lala damacsanaa gudoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid.
Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miino, waxaa ku dhimatay haweeney ka agdhaweyd goobta uu ka dhacay. Waxaa jira labo qof kale oo dhalinyaro ah oo ku dhaawacantay.
Waxaa qaraxa uu ka dhacay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqsiid, waxaana la sheegay in lala damacsanaa gaari uu leeyahay gudoomiyaha degmadaasi.  Ciidanka dowladda ayaa durba bilaabay howlgal si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka ka dambeeyay qaraxa.
Xaaladda ayaa caadi ku soo laabatay duhurkii, waxaana dib u bilawday isku socodkii dadweynaha iyo dhaqdhaqaaqyadii kale.
Waxaa qeyb uu ka yahay dhacdooyinka mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho kuwaasoo beryhan dambe u muuqda in ay soo kordhayaan.
qaraxii1
Idale News Online Muqdisho