Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa been abuur lagu tilmaamay in bog Twitter-ka loo isticmaalo magaca Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
258

 

War ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa been abuur lagu tilmaamay in bog Twitter-ka loo isticmaalo magaca Gudoomiyaha Baarlamaanka aanu sax aheyn Boga Twitter-ka ee loo isticmaalay magaca Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in aanyu laheyn Gudoomiyaha, isla markaana magaca iyo sawirkiisa la adeegsaday aanay ka turjumeyn in Gudoomiyaha leeyahay. 

“Ma lahan Gudoomiyaha Baarlamaanka boga magaciisa loo isticmaalay ee Twitter, waxaan cadeyneynaa inuu been abuur yahay, ma isticmaalo gudoomiyuhu”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Boggan ayaa mudooyinkii u dambeeyay la soo dhigayay fariimo looga hadlayay arrimaha baarlamaanka, inkastoo aan si gaar ah wax loogu dhimeyn Gudoomiyaha, hadana fariimaha ayaa u badnaa kuwo ka hadlayay habsami u  socodka howlaha Baarlamaanka.

Qoraalada la soo dhigayay ayaa ahaa Afka Ingiriiska iyo Talyaaniga oo uu aad u yaqaano Gudoomiyaha Baarlamaanka, taasna ay keentay in dadka u qaato in Gudoomiyaha uu leeyahay boggaas Twitter-ka ee ku xusan magaciisa iyo sawirkiisa.

Fariintii u dambeeyay ayaa xalay la soo dhigay, kaasoo ahaa in Gudoomiyaha soo gaaray mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya, isla markaana baarlamaanka uu xaq u leeyahay in Kenya ka dalbadaan in ay fara gelinta ka daayaan siyaasada dalka.

Bogga Twitter ee Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka sheegay inuu been abuur yahay ayaa u qoran sidan:-https://twitter.com/Somali_Speaker

 

Idale News Online Mogadishu