Ethiopia ayaa bilawday dhismaha biya-xireen cusub oo ay ka samaynayo wabiga ugu wayn Africa ee Niilka.
Hawlaha dhismaha Biya-xireenkan ayaa leh wajiyo kala duwan, waxaana talaadadii dhoweyd ee taarikhda ahayd 28.05.2013 ay dawladda Ethiopia shaaca ka qaadday in ay bilowday in ay leexiso biyaha webiga inta ay socoto hawsha dhismaha.
Madaxa wakaaladda Korontada ee Ethiopia Mihret Debebe ayaa sheegay in ay qasab ku noqotay in ay leexiyaan qayb ka mid ah biyaha wabiga maadaama oo uu dhismaha biya xireenku socdo iyada oo laga dhisayo bartamaha wabiga.
Mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa lacag gaadhaysa 4.7 billion oo dollar, waxaana lagu wadaa in uu noqdo biya-xireenka ugu tamar dhalinta badan Africa.
Biya-xireenkan ayaa laga dhisayaa gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaala xuduudda Ethiopia iyo Sudan.
Talaabadan ayaa walaac badan ku abuuraysa wadamada uu sii maro wabiga Niil gaar ahaan kuwa sida wayn ugu tiirsan sida dalka Masar
Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in biya xireenkan cusub uu dhalin doono tamarta korontada oo awoodeeda gaarayso 6-kun oo megawatt, taasi oo ay Ethiopia sheegtay in ay u dhigmayso tamarta ay dhalin karaan lix warshadood oo Nukliyeer ah.
Ethiopia ayaa ka mid ah wadamada uu soo maro wabiga Nile oo ka soo bilaabma bartamaha Africa, kuna dhamaada badda cad ee Mediteraneanka, waxaana si wayn ugu tiirsan wadamada Masar iyo Sudan.
Labada todobaad ee soo socda ayaa waxa la filayaa inay soo baxdo warbixin ka hadlaysa saamaynta uu biya xireenkan ku yeelan karo guud ahaan wabiga Niil.
Warbixintan ayaa waxaa soo saaraya guddi khubaro ah oo ka socda wadamada Ethiopia, Masar iyo Sudan.
Halkaan hoose ka daawo dooda webiga Nile ee u dhaxeyso Masar iyo Ethiopia:
Idale News ONline