Muqdisho(INO)— Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ayaa maanta lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay, isagoo dalka dibadiisa ku maqan.
Muungaab ayaa howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kolkii ay soo baxday wareegtada Madaxweynaha uu xilka uga qaaday, iyadoo aan lagu cadeyn sababta xilka looga qaaday.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Guddoomiyihii hore Muungaab uu Muqdisho maanta imaanayo.
Warar qaar ayaa sheegaya in Muungaab uu ku sii jeeday dalka Talyaaniga, ka hor inta aan xilka laga qaadin.
Warar ku dhow dhow Muungaab ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ka hadlo xil ka qaadistiisii lagu sameeyay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu xilka wareejiyo.
Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynaha, isla markaana Xisbigii PDP ee uu Masraxa siyaasadeed ku soo galay Madaxweyne Xasan ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha.
Hadal heynta magaalada Muqdisho tan iyo shalay ayaa aheyd xil ka qaadista Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo isla xilkan Madaxweynuhu u magacaabay 27-kii bisha Febraayo sanadkii 2014.
Idale News Online, Muqdisho