Diinsoor(INO)-Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weeror ku qaadey degaan hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaas oo Dagaalyahno ka tirsan Kooxda Al-shabaab Ay Ka Wadeen Aruurinta Sakawaadka.
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigow ayaa u sheegey warbaahinta in Maanta Galintii dambe ay weer ku ekeeye Degaankaas oo uu sheegey inuu 40km uu u jiro Degmada Diinsoor.
Gudoomiyihu waxa uu intaa ku darey in Ciidamada Xarakada Al-shabaab Ee Soomaaliya ka dagaalanta ay ka soo furteen afar qore oo Ak 47 ah, isla markaana ay fashiyeen hawlihii halkaasi ay wadeen.
“ Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM waxay fashileen hawlo ay wadeen Al-shabaab, waxaan weerarney Degaan hoos yimaada Degmada oo ilaa iyo 40km u jira Qiyaasi, xilligaas waxay halkaasi ka aruurinayeen Sakawaadka” ayuu yiri gudoomiye Ibraahim Shig shigow.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Diinsoor waxa uu sheegey in ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Ee AMISOM ay maanta Deeq raashin ah ka qiibiyeen Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Ugu dambeyntii, Degmada Diinsoor, ayaa waxay Ciidamda AMSIOM iyo kuwa KGS ay qabsadeen sanadkan, iyadoona isla durbadiiba ay go’doomiysey Kooxda Al-shabaab oo Dagaal Adag kula jirta Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya.
Idale News Online, Diinsoor