Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo Nabadoon caan ahaa oo caawa lagu dilay Muqdisho

0
171

Idalenews-Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilm ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, kaddib markii koox hubeysan ay ku dileen xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid

Wararka ayaa sheegaya Guddoomiyaha iyo nin la socday lala dilay, xilli ay dad ku booqanayeen xaafada Carafaat, waxaana la sheegay in dabley daba socotay ay toogteen.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inuu dhowaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Koox hubeysan ayaa caawa degmada Dharkeenley ku dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabayay Geeddi Firdhiye.

Nabadoonka ayaa la dilay kaddib salaadii cishaha, waxaana kooxdii dilka geysatay la sheegay inay goobta ka baxsadeen.