Idalenews-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Pretoria ee dalka K/Afrika.
Guddoomiyaha oo Dalka K/Afrika u joogo howlo shaqo ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato bulshada Soomaaliyeed, kadibna waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Safiirka,Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranak ee dalkaasi C/qaadir Axad, Danjire Jamal Barrow ayaa wefdiga guddoomiyaha warbixin ka siiyay xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida K/Afrika isagoo Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabta madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda,waxa uuna ku dhiirgaliyay inay ku dadalaan jiritaanka Calankeena.
“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday u tababaran,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa oo ku dadaalay jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda ay furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mas”uulkii ugu darjarada sareeyay ee booqasho ku yimaado Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria,iyadoo Safaaradda ay dhibadada u aaseen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika sanadii 2012 ka.