Guddoomiye Xamar-weyne oo sheegay inuu jirdil u geystay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir

0
223

Muqdisho(INO) — Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) uu jir-dil u geystay, uuna ku xad-gudbay xasaanaddiisa.

C/qaadir Maxamed oo Muqdisho ugu warramayay warbaahinta ayaa sheegay in isagoo ku sugnaa saldhigga booliiska degmada Xamar-weyne uu taliyaha booliiska bud, feer iyo haraanti ku billaabay, isla markaana uu korkiisa rasaas ka riday, mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawacay.

“Maanta waxaa awoodii dowladnimada ku xadgudbay taliyaha booliska gobolka Banaadir, Jen. Cali Gaab oo ku tuntay xasaanadeyda, wuxuu igu sameeyay jirdil, gacan ayuuna iila tagay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne oo intaas ku daray in taliyuhu uu u isticmaalay awood xad-dhaaf ah.

Sidoo kale, guddoomiye C/qaadir Maxamed ayaa hadalkiisa raaciyay in ciidan uu watay taliyaha booliska ay shacabkii degeenaa wakaaladdii filimada Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Xamar-weyne ay xoog uga saareen, isagoo xusay in markii uu u tagay taliyaha uu weydiistay warqad fasax iyo inaan lagu soo wargelin maamulka degmada, isla markaana aanay jirin wax muddo ah oo la siiyay dadkii deggenaa dhismaha, si ay uga guuraan haddii muddo la siiyay.

“Shacabka deegaanka ayaa xarunteyda igu yimid oo cabasho igu yimid, markii aan taliyaha u tagay waxaa weydiiyay inuu warqad fasax ah heysto, wuxuuna i yiri waa tan warqaddii, waxaana ku iri shacabka in digniin la siiyo ayay ahayd oo loo qabto muddo ay ku guuraan, wuxuu igu jawaabay haddii aad joojin kartid jooji, markaas waa kasoo tagay, saldhiga booliska ayaa imid, anoo fadhiya ayuu iigu yimid, asigoo bud wata, ka bax saldhiga ayuu u yahay, inaan baxayn ayaan u sheegay, markaas kadib anoo fadhiyo ayuu bud ila dhacay, feer iyo laad,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ayaa xusay inuu arrintan ku wargeliyay hay’adaha ammaanka dowladda, isla markaana uu ka sugayo jawaab, ayna ku kala baxayaan sharciga.

Ugu dambeyn, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliyaha qaybta booliiska ee gobolka Banaadir ee ku aaddan jirdilka uu sheegay guddoomiyaha Xamar-weyne inuu u geystay taliyaha booliiska gobolka Banaadir.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here