Guddoomiyaha Cusub ee Shabeelaha Hoose oo wadahadal ugu baaqay Al Shabaab

0
298

Afgooye  ( INO)-Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose  ibraahim Aadan Cali oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Shabakadda Warbaahinta  ayaa ugu baaqay Al Shabaab wadahadal.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabllaha Hoose

Gudoomiye Ibraahim Aadan Cali ayaa ku nuux nuuxsaday in Al Shabab-ka ka dirira Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin kuwa ka soo jeeda Gobolka ayna ugu gacan haatinayaan wadahadal iyo miiska lagu dhameeyo wixii ay tabanayaan.

Sidoo kale Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali ayaa qiray in Al Shabaab weeraro halis ah ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose oo qaarkood ka dhacay saldhigyo Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale mar aan wax ka weydiinay Guddoomiyaha Cusub dagaalada ku saleysan qabaa’ilka ee aalaaba ka dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose ayuu dhaliilay qaabka  horay loogu maray xallinta beelahaas diriray isagoo xusay in uu aqoon u leeyahay dadka dega Gobolkaas islamarkaana uu xal ka dhex sameyn doono si nabad ay u wadaagaan.

“ Meel aan nabad ka jirin nolol kama jirto , dhammaana waxa dadka Gobolkaan ku dhaqan deeqa waa nabada” ayuu yiri Ibraahim Aadan Cali Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Shabeelaha Hoose ayaan wax ka weydiinay maadaama maamulkii ka horreeyay uusan lahayn xafiis uu ku shaqeeyo waxa ay uga duwnaan doonaan ayuu sheegay in ay ku tala jiraan meel shacabka ay uga soo hagaagaan in ay yeeshaan oo ah xarunta Gobolkaasi ee Marka ama degmo Gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here