Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo si Caro leh U sheegay inaysan Udulqaadan doonin hanti Dowladeed Oo dib Dambe loo bixiyo

0
168

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu dhaliilo xoogan u jeediyay Golaha Wasiirada ee Xukuumada, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay sharciga jebinayaan.

Gudoomiyaha, ayaa Golaha Wasiirada ku eedeeyay inay bixinayaan hantidii Qaranka uu lahaa, xilli aynaan wax aqbalaad ah ka heysan Golaha Shacabka (Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya).

“Hal Wasiir ma bixin karo hanti ma guurto ah, way soo badatay in Wasiirada ay si gaar ah u bixiyaan hantida ma guurtada ah, iyadoo aysan ansaxin ka heysan Golaha Shacabka.” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiyaha, ayaa iclaamiyay in Baarlamaanka Somaliya uu dadaal ugu jiro, sidii uu u soo celin lahaa hantida Qaranka uu lee yahay ee maqan, ha yeeshee ay Wasiiradiina bixinayaan hantida intii gacanta Dowladda ku jirta.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa soo celinta hantidii Qaranka ee maqneyd, iyagana waxay rabaan inay bixiyaan intii la haayay, oo Qaranka uu lahaa.” waxaa sidaasi yiri Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu kaloo sheegay inay samaynayaan Maxkamada Cadaalada Sare, iyadoo lagu ciqaabi doono Madaxda Dowladda, haddii ay khalad ku kacaan.

“Waxaan dhiseynaa Maxkamada Cadaalada Sare si loogu ciqaabi masuul kasta oo Dowladeed, haddii khalad uu sameeyo, walaa Madaxweynaha, Wasiirada, Xildhibaanada dhammaan wax la dhaafaayo ma jirto.” ayuu yiri Prof. Jawaari.

jwriiiis-620x330

Idale News Online, Muqdisho.