Baydhabo(INO)- Wafdi uu hogaaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ka degay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Garoonka Diyaaradaha ee Shaati gaduud Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.
Ujeedka safarka Jawaari ee Baydhabo ayaa waxa ay tahay ka qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo saacadaha soo socda Baydhabo ka bilaaban doonta.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa in si weyn loo adkeeyay oo Magaalada waxaa la dhigay ciidamo ka tirsan nabad Suggida Koonfur Galbeed oo sheeda ka eegaya dhaq-dhaqaaqa guud ee Magaalada.
Xaflada Caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayaa la filayaa inay goor dhaw ka bilaabato Magaalada Baydhabo.
Idale News Online, Baydhabo