Guddiga Doorashooyinka oo lagu wado inay war ka soo saaraan dib u dhaca ku yimid doorashooyinka

0
221

Muqdisho(INO)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay war ka soo saaraan waxa rasmiga ah, ee keenay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa gelinkii dambe ee Axadii isugu yeeray Suxufiyiinta, si ay shir jaraa’id ugu faah faahiyan, walow uu dib u dhac ku yimid, iyagoona Wariye-yaasha u sheegay in Isniinta ay u sheegi doonaan wixii macluumaad ah.

Sida uu qorshuhu ahaa maalintii shalay, ayay ahayd in la soo saaro liiska xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka. 24-kii bishana waxay ahayd in la bilaabo soo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Hoose, labadiiba midna ma suurtagelin.

Dib u dhaca ugu wayn ee ku yimid soo saaridda liiska xubnaha Aqalka Sare, ayaa waxay ka timid Maamul Goboleedyada oo aan weli soo gudbin liiska magacyada xubnihii ay ka helayn Aqalka Sare iyo caqabad ka taagan xubnaha Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe kaga soo aaday Aqalka Sare, maadaama aan weli la dhisin maamulka lagu wado in loo yegleelo labadaasi gobol.

Waxaa meesha ku cad inaanu shaqayn doonin jadwalkii ay 7-dii bishii hore ee Agust soo saareen Guddiga Doorashooyinka, iyadoo la fillaayo in mid kale ay soo saaraan.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in muddo hal bil ah dib loo dhigi doono, xilliga loo muddeeyay in lagu soo doorto Madaxweynaha, oo ku beegan 30-ka bisha soo socota ee October.

Siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa nasiib darro ku tilmaamay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka, waxayna Guddiga Doorashooyinka ugu yeereen inay is casilaan.