Guddiga Dastuurka BFS oo sheegay in qalaad uu ka buuxo Dastuurka KMG.

0
452

Muqdisho ( INO)-Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in qaladaad uu hareeyay Dastuurka KMG ah ee dalka, lagama maarmaana ay tahay sixitaankiisa.

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa hoosta ka xariiqday in horay loogu soo ciyaaray hanaanka Dastuurka loo diyaariyay islamarkaana haatan uu u baahan yahay in wax badan laga qabto.

Geesta kale Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa ku talisay in ay wanaagsanaan lahayd in loo laabto Dastuurkii 60-kii si looga gudbo qaladaadk ka jira Dastuurka.

Dhawaan ayey ahayd markii Guddiga Dastuurka Baarlamaanka ay shaaca ka qaadeen in dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka si wax badan oo qaladaad ahi looga saaro.

Idale News Online, Muqdisho