Sida Aynu heleyno waxaa xalay aan laga seexanin Magaalada Baydhabo Jaanaay Gaar ahaan Golihii Guurtida KG soomaaliya Ee 6da Gobol , kuwasoo aad ugu xumaa sida la sheegey Aadista Magaalada Muqdisho Labo Mas’uul oo Jago Sare Ka Haayo Maamulka 6da ,Geesey & Shiino Macalin Nuurow.
Waxaa xalay La Bilaabey Sida Dad Xog Ogaal ahi ay inoo sheegeen in Quraan akhris, kaasoo aan la ogeyn cida loo aqrinayo iyo cida laga akhrinayo toona laakin dadkii ka agdhowaa Gollaha Guurtida ayaa waxay inoo sheegeen in Malaaqyada ay Quraan akhriskooda isugu jiro labo sheey oo ah In Wefdiga Xamar ku raagey Ilaah safarkooda usoo Fududeeyo iyo In Kuwa Xamar Loogu Yeerey Aaney wax Shar ah usoo qaadin.
Safarka Geesey & Shiino Macalin Nuurow ayaa la sheegey in Gollaha Guurtida KGsoomaliya Ee 6da Gobol aaney ka war heynin islamarkaana si lama filaan ahi oo Dayaarad laga war heley ayagoona Uracayaan Muqdisho taasoo Gollahu ay ku abuurtey Shaki balaaran iyo Weliba ah amey dadkaan Magaalka idin keenaan wax Aysan Idin Cuntameynin.
Dhinaca Kale waxaa Saaka Wefdigii Madaxweyne Madeer ay u dhaqaaqeen Dhinaca Xarunta uu Muqdisho ka degan yahay Nicholas key kuwaasoo ay ka wada hadleen qaabka iyo wadiiqooyinka lagu socodsiin lahaa Maamalka 3 Gobol ee madax weyne uu kayahay Madeer.
Isu soo wada duubo waxaa lagu wadaa in Arinta Maamulada Xaruntoodu Tahay Baydhabo Janay Lasoo Wada Afmeero oo dhowaan Shir Caalami ah BaydhaboJanay lagu qabto kaasoo lamid noqon doonaa Kii Kismaayo lagu Qabtey oo Beesha Caalamka Dhamaantooda ay ka wada qeyb galeen.
Idale News Online, Baydhabo Janaay.