Boqolaal Dad weyne ah oo taagyeero Maamulka 6da KG soomaaliya ayaa maanta isugu yimid Xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo Janaay kuwaasoo sida la sheegey isugu soo baxay siday usoo dhaweyn lahaayeen Madaxda KG soomaliya Ee lixda Gobol Madoobe Nuunow Maxamed iyo Wafdigiisa, iyadoo markii danbe lagu wargeliyay inuu dib udhac ku yimid Wafdigaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=58892|autostart=yes]Dadkan oo isaga kala yimid Xaafadaha kala gedisan Ee ayka kooban tahay Magaalada Baydhabo Janaay ayaa waxay wateen Boorar ay ku qornaayeen, ay ku soo dhaweynayeen madaxda KG Soomaaliya 6da Gobol.
Kusimaha Madaxweynaha KG soomaaliya ahna Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Dr. Maxamed Cali Xaamuud iyo Mas’uuliyiin kale ayaa khudbad u jeediyeen dadweynihii isugu soo baxay soo dhaweynta Wafdiga KG soomaaliya , waxayna usheegeen in cilad farsamo ay kutimid diyaaradii soo qaadi laheyd Wafdigiisi.
Ugu Dambeyntii Dadka Taagyeerad Dowlad Gobleed KG soomaaliya Ee 6da Gobol ayaa Rumeysan dib udhac Wafdiga Madaxweyne inay ka danbeyso Dowlada DF soomaliya , isla markaana kulitalisey inay qaatey fikirka 3da gobol KG soomaaliya taasoo sida lsheegey ayaguna Cirka U calaamadeey Mowqifka Dowlada soomaaliya.
Idale News Online,Baydhabo Janaay.