Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay yeeshaan, kaddib labo todobaad oo uu shirkii Golaha Wasiirada dib u dhacayay.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in lagu wargeliyay Wasiirada inay ka soo qeyb galaan kulanka maanta oo isniin dhacaya.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu wado in lagu magacaabo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo saddex bilood banaanaa.
Inkastoo wax kasta is bedeli karaan, hadana guuxa ugu badan ee tan iyo shalay magaalada ka jiray ayaa ahaa magacaabida Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida in ugu dambeyn la magacaabi doono saddex bilood kaddib.
Shaqsiyaad kala duwan ayaa la hadal hayaa in xilalkaas loo magacaabi doono, waxaa suuqa ku jira warar sheegaya in laga yaabo in xilka Taliyaha NISA loo magacaabo Cabdi Jiinow Calasow oo horay u soo noqday Maareeyaha Dekeda Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxda dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay ku kala aragti duwanaa magacaabida Taliyeyaasha Ciidamada oo la isku qabtay shaqsiyaad kala duwan oo ay kala wateen Madaxda iyo saaxibada Madaxweynaha ee awoodda ku leh Madaxtooyada.