Daawo: Golaha Amaanka oo cunaqabateyn dheeraad ah saaray Kuuriyada Waqooyi

0
243

Soul(INO)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midooobay ayaa si xoog leh u cambaareeyey tallaabadi ay Dowlada Kuuriyada Waqooyi ay ku tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah.

Halkan Ka Daawo

Kadib kulan deg deg ah oo ay magaalada New York ku yeesheen, ayey golaha isku raaceen in ay dhawaan dhaqan gelin doonaan cunaqabateyn dheeraad ah oo lagu soo rogayo dalkaasi, taas oo looga jawaabayo ficilka Kuuriya.

Xukumada Pyongyang ayaa sheegtay in ay ridday gantaal si ay meeleyso satellite mid ka mid ah meerayaasha, laakin dadka arrintan cambaareeyey ayaa qaba in ujeedada dhabta ah ee ka danbeysaa ay tahay in ay tijaabiso gantaalada balaastikada ah.,

Tijaabadi gantaal ee Axadi ayaa imaanaya todobaadyo un kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi markeedii afraad ay tijaabisay hubka Niyukleerka, ficilkaas oo xadgudub ku ah qaraaradaka Qaramada Midoobay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ah wadan uu hogaamiyo kaliiitaliyaha ugu da,da yar, waa Kim Jong-un. Dalkaan ayaa cadawtooyo waxa ay kala dhaxeysaa dhamaan dalalka Galbeedka iyo qaar ka mid ah kuwa gobolka.

Idale News Online, Soul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here