Waxaa magaalada Muqdisho shir ku yeeshay xubno isugu jira xildhibaano, siyaasiyiin iyo oday-dhaqameedyo sheegtay in ay ka soo jeedaan gobolada Banaadir, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaasoo ka arrinsanaaya dhismaha maamul goboleed kulmiya labada Shabeele iyo Banaadir.
Xildhinaada kulankii Muqdisho ka dhacey maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Cumar Finish, Prof Dalxa, Daahir Amiin Jeesow iyo kuwa kale, kuwaasoo intooda badan olole ugu jira sidii loo dedejin lahaa dowlad goboleed ay goboladaasi yeeshaan.
Kulankii magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanadaasi ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaayey gudoomiyeyaasha gobolada Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidi” iyo kan Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasoow.
Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah gobolka 2aad ee ugu baaxada weyn isla markaasna ugu kheyraadka Soomaaliya ayaa leh kheyraad isugu jira dhanka beeraha, dhul daaqsimeed aad u balaaran, xeeb dheer, wabi aan gurin iyo kheyraadka sida macdanta iwm, kuwaasoo gobolka ka dhigay mid ay ku hardamaan dhinacyo badan oo siyaasada Soomaaliya isaga oo horjeeda oo doonaaya in gobolku maamulkooda hoostago.
Magaalada Baydhabo oo uu ka socdo shirar lagu kala taageeraayo maamul ka kooban 6 gobol oo la magac baxay Koonfur Galbeed Somalia iyo Mid kale oo lagu taageeraayo 3 gobol oo isna la magac baxay Koonfur Galbeed Somalia ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose xisaabta ugu jiraa.
Sidoo kale beelaha magaalada Muqdisho sheegta iyo xulafadooda Shabeelaha Hoose uu shir ugu socda halkaasi ayaa ku howlan dhismaha maamul ka kooban 2 gobol oo kala ah Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaasoo xaalada gobolka Sh/Hoose uga sii darey ka dib markii ay gobolka ku darsadeen ajandaha dhismaha maamulka labada Shabeele.
Waxaa sidoo kale jira qorshe ay wadaan dad kale oo ka soo jeeda gobolka Banaadir laguna dhisaayo maamul 3 gobol ka kooban (Banaadir iyo labada Shabeele), kuwaa sidoo kale dagaalka lagu sheeganaayo gobolka dhinac ka noqday.
Isku soo wada duub, xaalka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u muuqda mid dowlad goboleedyada dhismi doono isku herdin doonaan isla markaasna noqon doona xudunta khilaafka cusub ee federaalka, iyadoo laga wada dheragsan yihiin in 23kii sano ee dagaalada sokeeye uu gobolku ku jiray xaalad deganaansho la’aan iyo xadgudubyo loo geysto dadka iyo gobolka guud ahaan.
Idale News Online, Mogadishu