Gen. Gabre oo Gabdho Ethiopian Ah U Keenaya Villa Somalia + Qorshaha

0
479

Muqdisho (INO) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay howlwadeeno ka howlgala Villa Somalia ayaa sheegaya in Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho ka shaqeyneyso sida Madaxtooyada Somalia looga howlgalin lahaa Dumar Ethiopian ah.

Keenista iyo howlgalinta dumarkaani ayey Safaaradu u xil saartay Saraakiil ka howlgasha Safaarada waxa uuna qorshuhu yahay in Dumarkaasi laga keeno magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dumarkaani ayaa waxaa laga soo xuli doonaa Sirdoonka Ethiopia, waxa uuna qorshuhu yahay in dumarkaasi qaab shaqaale nadaafadeed ahaan looga howlgaliyo Xafiisyada waaweyn ee Villa Somalia.

Dumarkaani ayaa waxaa la sheegay inay ka ammaan-badan yihiin kuwa Soomaalida ee iminka ka howlgala Villa Somalia, sida uu Gabre ka dhaadhiciyey madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana shaqooyinka barbar socon doono in xiliyada qaar dumarkaasi loo adeegsado Madaxda.

Gen. Gabre ayaa u sheegay dowladda inay suurto gal tahay in Al-Shabaab ay dumarka qaar u adeegsato is-qarxin, loona baahan yahay in laga hortago.

Shaqsiyaadka loo xilsaaray arrintaani ayaa waxaa kamid ah Gen. Gabre, Qunsulka Safaarada iyo Saraakiil kale oo ay ku jiraan Somalia-Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa ku taameysa in muddo kooban ay ku qabsato Somalia waxa ayna howlgalinta dumarkaani sahleysaa in la helo Sirta dhabta ah ee Villa Somalia.

Idale News Online, Muqdisho