Xudur(INO)-Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay Ganacsatada Gobolka bakool waxaa ay ku Eedeyeen in ay Iyagu La Sahqeeyaan Xarakada al-shabab.
Cabdi Dile waxaa uu ka Mid yahay Saraakiisha sar sare Ee Ciidamada Dowlada Ee Gobolka Bakool waxaa uu sheegayaaa in ganacsatadu ay la shaqeeeyaan Xarakad al-shabab oo ayba Yihiin al-shabab waxaa uu sheegay in ayna wax amar Ah oo kasoo Baxo Ciidamada Dowlada ayna Qaadaneynin Go’aanka Xarakada al-shababna ay horay ka Aqbalayaan.
Kornel Cabdi Dile ayaa waxaa uus heegay in ay Furan tahay Wadada u dhaxeysa Xudur iyo Baydhbo taasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika Ee Amison kuwaasi oo Xaqiijiyay Amaanka Wadadaasi sida uu sheegayo Sargaalkaani.
Gobolka Bakool ayaa waxaa wali ka Jira xaalad Nolol xumo oo aad u Liidato taasi oo Sababi karto dhimasho waxaan a Gabi’ahaan al-shabab ay u diideen in ay soo galaan wax sahay ah.
Hadalka Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ee Gobolka Bakool ayaa Waxaa uu imaanaya Xili wali ay Halkaasi ay ka Taagan tahay Xalad Adag.
Idale News Online, Xudur