Galmudug oo sii deysay dooni laga lee yahay dalka Iran, lana socdeen 19 Shaqaale

0
242

Galkacyo(INO)-Maamulka Galmudug, ayaa waxa uu fasaxay dooni kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Iran, markii doonida ay bixisay lacago ganaax ahaa oo Maxkamaddi ku xukuntay.

somali-pirate-hostages-050709-lg-620x330

Doonidan oo ay la socdaan 19 shaqaale, ayaa waxaa 1-dii bishan lagu qabtay meel 19km u jirta Dekeda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, xilli kalluumeysi sharci daro ah, ay halkaasi ka waday.

Maxkamadda Galmuug, ayaa 5-tii bishan amartay in doonidaasi laga soo dejiyo kalluun saarnaa, bacdamaa aynaan kalluunku xaq u lahayn, sidoo kalana waxay shaqaalaha ku xukuntay min hal sano oo xarig ah.

Shaqaalaha oo codsaday in xukunka loo qafiifiyo si ay u iibsadan, ayaa waxaa ugu dambeen laga qaaday lacag dhan 22 kun oo dollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Kalluumeysiga ee Maamulka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac (Qalabxoor), ayaa xaqiijiyay in doonidaasi ay maanta ka shiraacatay xeebaha Degmada Hobyo.

Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in shaqaalaha doonida la socda ay balanqaadeen, inaanay dib dambe hawlo kalluumeysi kaga samayn doonin xeebaha dalka Somaliya, balse markaan uun cafis loo fidiyo.

23-kii bishii hore ee March, ayay ahayd markii Ciidamada Badda ee Maamulka Ximan & Xeeb, ay gacanta ku dhigeen laba doomo oo dalka Iran laga lee yahay.

Doomaha kalluumeysiga ee dalka Iran, ayaa si xowli ah kaga kalluumeysta xeebaha dalka Somaliya, iyadoo aanu jirin sharci adag oo xadidaaya kalluumeysiga, ay xeebaha dalka ka wadaan doomahasi.

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here