IGAD oo ku dhawaaqdey in wadamada Bariga Africa laga caawiyo La dagaalanka Shabaab

0
224

Nairobi(INO)- Warsaxaafadeed ka soo baxay Urur gobaleedka IGAD, gaar ahaana Danjiraha uqaabilsan Soomaaliya Dr Mohamed Abdi Afey ayaa lagu sheegay in ay IGAD ka caawinayso dawladda Kenya sidii ay uga hortagi lahayd weerarada ay kooxdaas ka geysanayaan gudaha dalka Kenya iyo guud ahaan bariga Africa.

IGAD somalai

Danjire Afey ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Jaamacada Gaarisa, wuxuuna ugu baaqay dhamaanba laamaha amaanka ee dalalka Bariga Africa in ay xog dhaw ka lahaadaan dhaqdhaqaaqyada Sirdoonka Shabaab iyo weerarada ay ka damacsan yihiin wadamada gobalka.

IGAD ayaa sheegtay in ay Shabaab ka soo horjeedaan amaanka mandiqada oo dhan, isla markaasna dhamaanba dawladdaha xubnaha ka ah ku mideysan yihiin sidii loola dagaalami lahaa kooxdan, imikana la qaban doono kulan ku saabsan sidii ay wada shaqeyn uyeelan lahaayeen Sirdoonka wadamadan.

Danjiraha IGAD uqaabilsan Soomaaliya Amb Max’ed Cabdi Afey ayaa ku sifeeyey khatarta Shabaab, mid an si gaar ah saameyn ugu yaalan doonin dadka Soomaaliyeed, balse ay tahay mid caalami ah oo gaari doonto dunida oo dhan hadii aan hada wax laga qaban.

Idale News Online, Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here