Gaari uu lahaa Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo ku qarxay Wadada Via Eegito ee degmada Xamar weyne + sawiro

0
215

Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay, 7-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari uu watay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka uu ku qarxay agagaarka dhabarka dambe ee Bacadlihii hore Xamar weyne.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Sheekh Aadan Madeer, iyadoo uu ka bad baaday qaraxa.

.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Gaariga ayaa qarxay markii Xildhibaan Madeer oo la socotay xildhibaanad kale oo ka dukaameysanayay Suuqa Xamar weyne qeybta Via Egito.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaariga, isagoo sheegay in hal ruux ku dhintay todobo qof kale ku dhaawacmay.

“Labo xildhibaan ayaa watay gaariga, waxbana ma gaarin, gaariga qaraxa ayaa lagu xiray, hal ruux waa ku dhintay 7-qof waa ku dhaawacmeen”ayuu yiri Gudoomiyaha Xamar weyne.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo soo gaaray goobta ayaa labada xildhibaan goobta ka waday, iyadoo halkaas laga qaaday dhaawacyada dadkii qaraxa waxyeelada ka soo gaaray.

Goobta qaraxa ka dhacay oo ah laamiga wadada Via Egito ayaa halkaas waxaa ku yaala dukaamo lagu iibiyo dhismayaasha guryaha.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay qaraxyo iyo dilal, iyadoo wadooyinka qaar ee magaalada lagu arkay ciidamo boolis ah oo sugayay ammaanka.

Idale News Muqdisho