Gaadiid lagu diyaarinayay qaraxyo oo lagu gubay Aw-Dhegle

0
314

Ciidamada xoogga dalka ayaa weeraro qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose waxa ay ku qabteen illaa afar baabuur oo qaraxyo lagu diyaarinayay.

Deegaanada ay ciidamada howlgalada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa Aw-dhegle, Mubarak iyo Dar Salam.

Howlgalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay deegaanka Aw-dhegle ee gobolka shabellaha hoose halkaasi oo ay ciidamadu ku qabteen gaadiidka qaraxyada lagu diyaarinayay.

Sidoo kale Saraakiisha waxa ay sheegeen in Tirada gadiidka laga gubay Al-shabaab ay gaareyso 4 gadiid iyo Hubka culus

Ciidamada xoogga dalka Soomaliya ayaa gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-shabaab kaasi oo gacanta ku haayay gaadiidka qaraxyada lagu diyarinayay.