Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo Xildhibaan noqotay.

0
255

Fowsiyo Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Maanta si Rasmi ah uga mid noqotay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Teaser Image Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo Xildhibaan noqotay

Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo Maanta loo gudbiyay Miisaaniyadda 2014 ee Dowladda, ayaa  lagu hor  dhaariyay Fowsiyo Yuusuf Xaaji, kahor intii aysan dooda furmin .

Ismaaciil Xasan Jimcaale oo Qaraabo dhow la ah Fowsiyo Yuusuf, ayaa Xilka Xildhibaanimo iska casilay Horaanta Sanadkan, si booskiisa ay u buuxiso Fowsiya oo Lacag badan siisay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa  shaaciyay in Baarlamaanka uu aqbalay Iscasilaadii Ismaaciil Xasan Jimcaale iyo in Fowsiyo Yuusuf ay noqoto Xildhibaan.

Idale News Online