Filim laga jilay weerarkii Shabaab ee baskii Mandera oo abaalmarinta Oscars Award ku guulaystay

0
621

Filim laga sameeyay weerarkii lagu qaaday baskii Mandera, bishii Desembar ee 2015kii ayaa laga loo xushay in uu u tartamo abaalmarinta aflaanta caalamiga ah ee Oscar.

Filimka wuxuu noqday midkii ugu wanaagsanaa oo ku saabsan dhacdo dhab ah oo dib loo matalay, wuxuuna hadda ka mid yahay kuwa ku tartamaya abaalmarinta 90aad ee Oscar.

Muuqaalka wuxuu ka hadlayaa nin Muslim ah oo difaacaya masiixiyiintii gaariga la saarnaa oo koox ay dooneysay in ay dilaan.

Ninka Muslimka ah ayaa dhaawacmaya ka dib markii uu iskudeyay in uu kooxda Al-Shabaab ah ka hor istaago in ay kala saaraan masiixiyiinta iyo muslimiinta la saarnaa baska oo ka dhex shaqeeya Mandera iyo Nairobi. Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada Mandera.

Wuxuu filimkan ku guuleystay illaa 40 abaalmarin oo qaali ah oo la xiriira bandhigga aflaanta caalamiga ah.

Shaacinta ayaa la sameeyay Talaadadii, saacado ka hor inta aan muuqaalka filimka laga shidin shineemooyiinka magaalada Nairobi.

Filimka oo loogu magacdaray WATU WOTE – Dadka oo dhan – waxaa jilay saddex ardey oo u dhashay Jarmalka.