Hällefors(INO)-Marka Hore waxaan salaamayaa Dhamaan Ummadda Somaaliyeed meel kastoo ay dunida ka joogaan.
Waxaan rabaa inaan wax yar aan ka qoro maqaalkan aan ugu magac darey“Soomaaliya socodbarad ah oo ka socon la’ dhaliilaha Madaxweynaha iyo Baarlamaanka”.
Waxaa xusid mudan iney jiraan ifafaalo muujinaya in aan ka soo kabsaneyno dhibaatooyin sanado badan heystey dalka iyo dadkeena soomaaliyeed, laga soo bilaabo 1999-kii markii uu Cismaaciil Cumar Geele uu kaga dhawaaqey inuu hayo wado fure u noqon karto nabada soomaaliya ama dowladnimada soomaaliya.
Taas oo markii danbe la iskugu geeyey aqoonyahanaada soomaaliyeed dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay ku soo saareen qaacidada maanta furaha u ah dowladnimadeena oo ah 4.5 kadibna la iskugu geeyey hogaamiye kooxeedyadii iyo hogaamiye dhaqameeyada sida ugaasyada wabarada suldaanada malaayada iwm, si ay u doortaan Baarlamaan iyo Madaxweyne, taas oo lagu soo doortey Madaxeyne C/qaasim Salaad Xasan.
Intaa wixii ka danbeeyey dalkeena somaaliya wuxuu mar walba sii galaayey isbedel xaga siyaasada ilaa laga soo gaaro markii la doortey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladuna lagaga saary kumeelgaarnimo tani iyo waagii lasoo saarey qaacidadaan 4,5-ta ah oo fure u noqotey dib usoo yagleelida dowladnimada somaaliya.
Hadaba kolkii la doortey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa in badan oo soomaali ah ku hanweyneyd ama rajeynayeen in uu horseed u noqon doono horumar iyo nabad ka dhacda soomaaliya laakiin waxaa hareeyey siyaasadiisa kooxo ay isku xisbi yihiin oo ku cadaadinaaya inuu mar walba ku xeen daaabo dowlada xisbigiisa damujadiid taas oo keentey in ra’iisulwasaare kasta uu la galo dhiil si uu ugugu magacaabo jagagooyinka ugu muhiimsan hay’adaha dowlada koox taabacsan xisbiga damujidiid kaasoo ugu horeeyo Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir.
Iyadoo ay indhaha ku hayaan baarlamaanka dhiilka uu madaxweynahay lagalayo raisul wasaarayaasha ayaa mar walba wuxuu baarlamaanka qaadayaa talaabooyin dhaliil ku ah dowladda iyagoo isku dayaya iney ka hor istaagan dhiilka madaxweynaha uu la galayo raisulwasaaraha. Halkaas oo ka imaaneyso musuq maasuq maamul oo ay ugu horeyso in lacag lagu meel mariyo dowlad kasta oo lasoo dhiso ama la ridayo taas oo micnaheedu yahay in xildhibaanada qaarkood la iibsanayo ama lasiinayo lacago si codkooda ay ugu meel mariyaan hadba mowduuca markaas taagan hadiii ay noqon lahayd dowlada la ansixinaya ama la ridayo.
Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya oo u kala jabey labo garab taasna ay keentey dhaliisha baarlamaanka uu ka qabo dhiilka Madaxweynaha iyo ra’iisulwasaare kasta uu soo magacaabo.
Ra’iisul wasaarahana ku ka lifto si uu u fuliyo dhiilka madaxweynaha waa inuu la yimaadaa qaab ah inuu wasaarada badiyo kuna soo daro wasaarado aduunka laga aqoon sida wasiiro dowlayaal meel ay adduunka ka jiraan aanan jirin iyo wasaarado tiro badan oo aan micno weyn ku fadhinin.
Marka dowlada soomaaliya waxan dhihi karaa waxay ka socnweysan la’adahay dhiilka madaxweynaha iyo dhaliisha baarlamaanka. Maxaa talo ah sideese loogaga bixi karaa dhibatada maanta siyaasada soomaaliya heysata?
- In la helo madaxweyne lamid ah Siyaad bare illaah naxariistiisa hasiiyo.
- Ra’iisulwasaare lamid ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
- Xukuumad lamid ah xukuumadii Saacid. Hadiii intaa la iskuu helo soomaali wey horemareysaa weyna tilaabsaneysaaa.hadii kale iftiinka baxaya wuu sii damayaaaa! Somaalaaay iska jira laga bilaabo madaxda dowlada ilaa shicib.
W/Q: Mustafa Xaaji Maxamed Axmed
Idale News Online,Hällefors, Sweden.