Faallo xiiso Badan: Aan Wadahadalno Waa Aan Heshiino! By: Wariye Cabdinuur Mayow Cali.

0
216

 Baydhabo Janaay:  Sida aad la socotaan waxgaradka deegaanada koonfur galbeed soomaaliya waxaa u dhexeeyey kala aragti duwanaasho soo jiitameysey mudo ka badan 8 bilood ah, waxaana sabab u ahaa soohdimaha rasmiga ah ee ay yeelaneyso dowlad goboleedka koonfur galgeed soomaaliya, kala aragti duwanaashahaasi wuxuu ku dhawaadey in uu bur bur ku yimaado is aaminaadii u dhexeysey bulshada deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

Hasa yeeshee dadaal aan waxba loola kala harin oo habeen iyo maalinba si joogto ah u socdey waxaa meesha laga saarey rajada xumadii laga qabey in ay lunto is aanimaadii u dhexeysey bulshada ku dhaqan deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

Dadaaladan hada muuqda ee is fahamka iyo rajada dhaliyey isla markaana in heshiis la saxiixano qarka loo saran yahay, waxaa hormuud ka ahaa guddi gaar ah oo uu soo magacaabey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, C/wali Sheekh Axmed Maxamed gudigan oo guul ka gaarey mudo ka dib inay isku soo hor fariisiyaan dhinacyada labada aragti kala aaminsanaa ayna dhinacyadu isku raacaan in hal aragti ay wada qaataan, heshiiskaan oo maalmo gudahood la saxiixi doono ayaa durbaba waxaa soo dhaweeyey wakiilada beesha caalamka u jooga soomaaliya.

Rasmi ahaan lama oga qodobada heshiiskan inta yihiin waxa ay ka kooban yihiin iyo waxa lagu soo qaadayo heshiiskan, hasa yeeshee waxaa xaqiiqo ah in heshiisku maalmo gudahood la saxiixi doono, dadaaladan lagu doonayo in heeshiis lagu saxiixo waxaa soo dhiraan dhirinayea guddi wasiiro ah oo uu soo magacaabey Ra’iisul Wasaare MudaneC/wali Sheekh Axmed Maxamed.

Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah; Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Mudane Dr. Khaalid Cumar Cali, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane, Ibraahim Isaaqb Yarow,  waxaana saxiixa heshiiskan goobjoog ka noqon doona wakiilada beesha caalamka ee soomaaliya.

Hadaba akhristow kol hadii uu shir u furmey dhinacyada kala aaminsanaa labada aragti oo ay hada wada hadlayaan sow lama dhihi karo waxay la micno tahay (AAN WADAHADALNO WAA AAN HESHIINO).

Mahadsanidiina.

wariye mayow

Wariye Cabdinuur Mayow Cali , Idale News online, Baydhabo.