Faallo: Farmaajoow Inaad I Fogeyneyso Ayaan Filaayey !

0
408

Muqdisho(INO)- Arintan waayahan hadalheynteedda magaalalda aad ayuu ugu badan yahay, taasoo noqotay in sadexdii qof ee taaganba uu mid ka mid ah afka ku hayo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay isbadal 8-dii bishii febraayo ee sanadkan 2017, taasoo aheyd in Maxamed C/llaahi Farmaajo uu noqday madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

Horey waxaa u jirtay marka madaxweyne uu la wareego Madaxtooyada Dalka in shaqalaaha ku xareeysan madxtooyada ay isaga soo huleeli jireen, illeyn madaxweynihii  ay u qidmeeynayeen xilka waa uu ka dagaye iyagana waxay aamin san yihiin hadiiba taasi ay dhacday in aysan waxba u oolin.

Hadaba arintaasi caadada aheyd ayaa waxaa badalay Farmaajo oo la yimid siyaasad ka duwan taasi oo ah mid ay si aad usoo dhoweeyeen shaqaalaha madaxtooyada. Waxaan ku keenay qormadan laba nin oo ka tirsan shaqallaha madaxtooyada oo u khidmeyn jirtay madaxweynihii hore ee waqtigiisu dhamaaday, shaqaalahan ayaa isku diyaarinayay baagamuundo nimo & howle kale balse waxaa niyadda u dhisay Madaxweyne Farmaajo oo habeenkii uu ku hoyday madaxtiooyada subixi shir la qaatay dhamaan shaqaallihii horey u joogay.

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal u dhow xafiiska madaxweynaha ayaa sheegaya in dhamaan uu shaqaalaha u ugu baaqay madaxweynaha in ay shaqdoodi sidii hore u gutaan, oo aysan jirin cid raacdeysaneysay ama daba taagan, hadalkaasi aad beey usoo dhoweeyeen shaqalihii madaxtooyada.

Waxaa marag ah in hada lagu arko qaar ka mid ah shaqaalihii hore ee madaxtoooyada in ay weli u joogaan goobahoodi, waxaana ka mid ah shaqaalaha kushiinka, kuwa electric, Tubiiste yaasha, shaqaalaha caadiga ah ee xafiisyada jooga. IWM.

Mid ka mid ah shaqaalaha wada gaadiidka usoo addeega madaxtooyada ayaa yiri “FARMAAJOOW INAAD NA FOGEEYNASAAN FILEYNAY, WAASE FARAXSANAHAY HADAAD FARAHA NAGA QAADAY”

Hadii aan wax yar dib u laabano kasoo bilow AUN Madaxweyne Abdullaahi Yusuf, markii uu xlka ka dagay ee uu Sheekh Shariif la wareegay waxaa habeenkii la doortay subixi isaga soo huleeyay dhamaan shaqaalihii madaxtooyada, sidoo kale Markii la Doortay Xasan Sheekh mid la mid ah, balse waxaa taa mid ka duwan sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa weli iyagana shaqoodda wata shaqaalihii Ra’iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo iyagana horey sidaa ahaan jiray.

W/Q Asad Dhayow
Mogadishu-Somalia
Email asaddhayow@gmail.com