Qansaxdheere ( INO)-Wararka laga helayo Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaan Duleed ka ah Degmada Qansaxdheere.
Weerarkan oo ka dhacay Degaan lagu magacaabo Buula-Fuur oo ku yaalla Duleedka Degmada Qansaxdheere ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
War ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 10 Askari oo ka tirsanaa Xoogaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saraakiishan ka tirsan Al Shabaab ayaa sidoo kale xusay in Weerarkaasi ay ku qabsadeen 5 Qori oo 2 ka mid ah ay yihiin Qoryaha nuuca loo yaqaano PKM.
Ugu dambeyti, Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowlada Soomaaliya oo ay uga jawaabayaan sheegashada Sarakiisha Xarakada Al Shabaab.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay