Muqdisho(INO)—Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday goor dhow kolonyo ciidan ah oo ay saaran yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay isgoyska Sayidka, weerarkan ayaa la sheegay inuu loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo qof naftii hure uu kaxeynayay.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu sababay, waxaana illaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhinteen labo askari.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga oo xowli ku socday uu ku dhiftay gaari kuwa Soomaalida u taqaano Cabdibile, waxaana kaddib la maqlay rasaas.
Gaadiidka la beegsaday ayaa ka mid ahaa gaadiidka ciidamada amniga ee habeenkii howl galada roondada ku sameeya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka, waxayna tilmaamtay in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku weerartay kolonyo ciidan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, waxaana la xiray wadada isku xirta Isgoysyada Sayidka iyo Dabka, halkaasoo ciidamo fara badan ay gaareen.