Faah Faahin: Qarax fiidnimadii caawa ka dhacay goob maqaayad ah Muqdisho

0
221

Muqdisho(INO) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo caawa lagu bartilmaameedsaday goob maqaayad ah oo ku taala isgoyska Tarbunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Inta la og-yahay sadex ruux ayaa ku dhimatay qaraxyada 17 kale oo ka mid ahaa dadkii u sugnaa maqaayadana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobta ka agdhawaa oo u gurmaday markii uu qaraxa dhacay kadib.

Dadka ku dhantay qaraxyada waxaa ka mid ah ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo wali ay soo baxayaan warar kala duwan oo la xiriira sida ay qaraxyadan u dhaceen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ka dhasheen bambooyin kuwa gacanta ah, halka warar kalena ay sheegayaan inay ka dhasheen walxaha qarxa oo halkaasi lagu aasay.

Ugu danbeyntii, maqaayadda la beegsaday ayaa la sheegay inay fadhiistaan ciidamada dawladda Soomaaliya, waxaana jirtay rasaas la maqlay kadib markii ay qarxyada dhaceen.