Dhageyso Wareysi: Shacabka Ku Nool Degaanka Yeed Oo Aad U Saameysey Abaarta Iyo Biyo La’aanta

0
208

Yeed(INO)- Waxaa Sii Kordhaya Dhibaatooyinka Iyo Barkaca Ay Ku Jiraan Dadka Ka soo Jeedaa Degaanada Qaar Ee Ka tirsan Degaanada  Koonfur Galbeed  Iyadoo ay Ka Bakacayaan Halkii Ay Ku Nolaayeen.

Dadka qaar Ayaa Abaarta Waxaa ugu darsantey Cudurka Shuban Biyoodka ama Fuuqbaxa Oo Ku dhaca Dadka waaweyn Iyo Carruurta..

Degaanka Yeed Ee Gobolka Bakool shacabkeeda Ku Nool Degaankaas ayaa saameysey abaarta Iyo Cudurka Faydhoor xumada.

C/fataax Buule Gudoomiyaha Degmada Yeed Ee Gobolka Bakool Ayaa Ka hadaley Xaaladaha Ay Ku Nool Yihiin Shacabka Degaanka Yeed isla markaana Waxaa Uu Sheegey In Ay Isku Darsadeen Xalada Oo Kala Ah Abaarta Iyo Shuban Biyoodka.

Degmooyinka Qaar Waxaa Saaran Godoon waxaa Dhib Ku Ah Sidii Lagu Gaarsiin Lahaa Gar Gaar Deg deg ah.

Maamulka Degaanka Yeed Ee Gobolka Bakool Ayaa Waxaa Ay Shegeen In Ay wadaan Qorshe Gar Gaar Lagu Gaarsinaayo Shacabka dhibaateysan Oo Ay Ku Nool Degaanka Yee doo Go’doonsan.

Ugu damabeyntii, Iyadoo  Dalka Ay Ka jirto Abaaro iyo Shuban Biyood ayaa Hadana jirin wax Dadaal ah dowlada Faderaalka Soomaliya Iyo dowlad Goboleedyada Somalia.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Siid Cali Muse, Idale News Online, Baydhabo