Faah-faahin: “Khasaaraha Qaraxa ka Dhacay Maqaaxida BlUE SKY”

0
207

Muqdisho(INO)- Inta la ogyahay 2 Qof ayaa ku dhimatay halka  6 kale ay ku dhaawacmeen kadib  Qarax ka dhacay agagaarka Maqaayadda Blue Sky oo ka dambeysa Isgoyska Xaawo Taako dhanka Degmada Wartanabadda.

Qaraxa ayaa lagu sheegay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo la dhigay goobta,kaas oo qarxay xilli ay dadka qadeynayeen.

4ta Qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in mid ka mid ah uu yahay cunug yar,waxaana goobta oo uu holac ka baxayay gaaray Gaadiidka gurmadka deg degga ah oo halkaas ka qaaday dhaawacyadii ka dhashay.

sidoo kale Gaadiidka Dab damiska ayaa iyana gaaray halka uu ka dhacay Qarax ,kuwaas oo ku guuleystay in ay dabka damiyaan.

Ciidamada Dowlada ayaa isku gedaamay Goobta Qaraxa,waxeyna dadka udiideen iney tagaan rasmi ahaan halka uu qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane ayaa Goobta warbaahinta ugu sheegay in laamaha Amniga baaris hada wadaan.

Afarta ruux ee dhaawaca ah ayuu sheegay xaaladooda iney  hada tahay mid hagaagsan.