DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0
160

Muqdisho(INO)— Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayad ku dhow agagaarka Taalada Xaawo Taako ama Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Theatra.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay banaanka maqaayada Blue Sky oo ku dhow agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa goobta gaaray, si ay dhaawacyada u qaadaan, waxaana la sheegayaa inuu dab ka kacay goobta qaraxa ka dhacay ee maqaayada Blue Sky.

Maqaayada ayaa ah mid dadka ka cunteeyaan, laguna shaaho, waxay ku taala meel istiraatiiji ah, dad badan ayaa fariista maqaayada.

Qaraxa Maqaayada ka dhacay ayaa ku soo aaday, iyadoo loo fadhiyay qadada, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Goob joogayaal ka ag-dhowaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in mar kaliya ay maqleen jug xooggan, goobtana ay noqotay uuro iyo holac.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.