Faah Faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Trepiano ee Miqdisho

0
190

Idalenews-Muqdisho(idale) Qaraxani oo loo adeegsaday gaari waxyaabah qraxa laga soo buuxiyaya ayaa dhaliyaya qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo uu ka soo gaaray dad rayid ah.

Baashi Cali Xaashi oo kamid ah wariyaasha warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in uu arkayay hooyo iyo 4 carruur ah oo ay la saarnayd gaari Bajaaj ah oo ay halkaasi ku geeriyootay halka 4ta carruurat ahna ay ku dhaawacmeen.

Qaraxaasi ayaa ka dhacay ag agaarka Trepiano ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi gaaray saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegey in gaarigaasi uu ahaa nuuciisu Carib isagoo xaqiijiyay in dadkii ku waxyeeloobay ay kamid ahayd hooyo wadatay carruur yer kuwaasi oo iyana halkasi ku dhaawacmay.

Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa ku guuleystay xaqiijinta amniga caasimadda waxaana tani ay muujinaysaa in kooxaha argagixisadu ay weli yihiin kuwo naf la caari ah.