Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay in labadii ruux ee ku geeriyootay qaraxii ka dhacay ay ahaayeen Soomaali iyagu diyaarinayay qaraxa.
Wasiirka warfaafinta Ethiopia Redwan Xussein oo la hadlay wakaaladda Wararka AFP ayaa sheegay in xogta ay heleen illaa iyo hadda ay muujinayso in labada ruux ee qaraxa ku geeriyootay ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Soomaaliya isla markaana ay iyagu diyaarinayeen qaraxa.
“Labadaan ruux ayaga ayaa xir xirayay qaraxa waana Soomaali waxaana ay dalka kusoo galeen si sharci darro ah gurri ayay ka kireysteen meel u dhaw garoonka inta aysan hawshooda qabana ayaa ku dhintay qaraxii ay diyaariyeen” ayuu yiri Redwaan Xuseen oo ah wasiirka warfaafinta Ethiopia. waxaana uu intaa ku daray in gurigii ay daganayeen uu qaraxu haleelay.
Wasiirku waxaa uu sidoo kale xusay in baarista kiiskaan ay willi gacanta ku hayaan hay’adaha amaanka waxaana uu ka gaabsaday inuu cid si gaar ah eeda dusha uga saaro.
Ma jirto willi cid si cad u sheegatay mas’uuliyada qaraxaas Addis-Ababa ka dhacay.
Dawlada Ethiopia waxaa ay ka mid tahay dawladaha la dagaalama Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dhisan.
Idale News Muqdisho