Madaxii Burcad Badeedka Gobolada Dhexe oo balanqaad lacageed oo been ah Belgium lagu geeyay ka dibna la xiray

0
189

Waxaa dalka Belguim lagu xiray mid ka mid ahaa madaxdii ugu sareysey ee kooxdii burcad badeedka Soomaalia gaar ahaan kuwa ka howlgala gobolada dhexe  Somalia oo lagu magacaabo Afweyne. Afweyne ayaa xarigiisa la sheegayaa inuu ka dambeeyey sirdoonka dalka Belgium oo film qaade ahaan ugu dhiiro geliyeyey inuu wax ka jilo  film k hadlaaya burcad badeedka Somalia kaasoo lacag fiican ay ku heli karaan soo bandhigistiisa, kaasoo qeyb ahaan filmkaasi lagu qanciyey afweyne in  laguna dhigaayo dalka Belgium.

 

Sida uu sheegey dacwad oogaha guud ee dalka Biljimka Johan Delmulle waxaa Afweyne lala xirey Maxamed Aadan Tiiceey oo ahaan jirey madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo ay rumeysanyihiin in uu gacan siiyey Afweyne.

Waxaa Belgiumka caawiyey Afweyne oo bishii Janaayo sheegey in uu shaqo u baahanyahay kadib markii uu joojiyey hawlihii burcad badeednimadda. Waxaa jira waaran xarig oo caalami ah oo loo jaray Afweyne, kaasi oo aysan suurogal ahayn in la dhaqangaliyo

piracy

Idale News ONline