Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay booqasho Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaliya Nikolas kay uu ku tagay magaalada jowhar.
Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinoow ayaa Radio Muqdisho u sheegay in booqashada wakiilka Q.M. uu shalay ku tegay magaalada Jowhar ay ku qotontay u kuurgelida xaalada gobolka iyo baahida guud ee ka jirta.
“Booqashada uu noogu yimid shalay Niklos Kay waxey aheyd inu u kuurgalo xaalada uu xiligan gobolku ku suganyahay, inuu arko shacabku siduu yahay iyo inuu indha indheeyo bii’ada ayuu u yimid, wuxuuna shalay na soo gaaray Sagaalkii aroornimo wuxuuna naga tegay ila Sadexda galabnimo, intaasna wuxuu ku jiray kormeero iyo kulamo uu la qaadanayay maamulka gobolka” ayuu yiri Cabdi Jiinoow gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe.
Gudoomiye Cabdi Jiinoow Calasow ayaa sheegay in booqashadii shalay uu ku tegay Jowhar Niklos Key ay laheyd gaar ah, isagoo xusay inuu indhisiisa ku arkay baahida ka jirta gobolka ee dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo dib u dhiska adeegyadi bulshada ee ku burburay dagaaladi.
Mudane Cabdi Jiinoow gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe ayaa carrabka ku adkeeyay in ergayga Qaramada midoobay uu balan qaaday dib u dhiska waddooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Idale News Online, Jawhar.