Muqdisho(INO)—Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday maqaaxida Liido Sea food ee magaalada Muqdisho.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ku tilmaamay weerarkan inuu ahaa mid agagaxso ayna Qaramada Midoobay ka xun tahay dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmayba,
Michael Keating ayaa u mahad celiay ciidamada Nabad Sugidda Qaranka kuwaasoo soo badbaadiyay dadweyne faro badan oo ku xayirnaa gudaha baararka ku yaal xeebta Liido.
“Ma wiiqi doonaan weeraradan fulaynimada ah ee dadka rayidka lala beegsanayo, waxaan ku ammaanayaa sida geesinaimada lehoo ay ciidamada amniga ugaga jawaabeen falka bahalnimada ah ee la qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa xeebta Liido.”ayuu yiri ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay ugaga wakiilka ah dalka Soomaaliya.
Weerarka lagu qaaday xeebta Liido ayaa ahaa kii ugu waxyeelada badnaa ee ka dhaca maqaaxiyada ku yaal xeebta Liido kuwaasoo ilaalo xoog leh ay sugaan ammaanka.
Idale News Online, Muqdisho