Eng Yariisow D/M ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimayaasha Waaxyaha (Wareegto

0
230

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa markii u horeysay soo saaray wareegto magacaabis iyo isku shaandheyn uu ku sameeyay Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

Wareegtadan oo ku taariikheysneyd 13-ka bishan February ayaa Guddoomiye Yariisow waxaa uu xilal cusub ku soo kordhiyay Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo la baabiyay Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, iyadoo uu horay xilkaas ka geeriyooday Axmed Xasan Xuseen.

Agaasimaha Miisaaniyadda ayaa loo magacaabay C/raxmaan Cusmaan Ibraahim oo horay u hayay xilka Agaasime kuxigeenka Waaxda Maamulka iyo Maamulka ee la baabi’iyay.

Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Khasniyada Guud ayaa loo dalacsiiyay Agaasimaha Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose.

Guddoomiye Yariisow ayaa dib u soo celiyay Xasan Xuseen C/llaahi, waxaana uu u magacaabay Agaasimaha Dakhliyada Kala duwan oo horay looga qaaday xilligii Guddoomiye Taabit.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ayaa waxaa loo magacaabay Ayaan Cabdi Maxamed oo horay aheyd xubin ka tirsan waaxda Canshuuraha dowladda Hoose.

Magacaabista iyo is bedelka Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa u muuqda mid Guddoomiye Yariisow ku hareer maray qaabka awood qeybsiga ee Agaasimayaasha Waaxyaha dowladda Hoose, iyadoo sida muuqatana Xilalka Dhaqaalihii dowladda Hoose loo gacan geliyay hal beel, waxaana xubnaha la magacaabay labo ka mid ah ay ku heyb yihiin Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir.

Halkan Hoose ka akhriso Wareegtada:-