Eedeynta Passport Diplomatic ee loo haysto Madaxweyne Sharif iyo Madaxa Hogaanka Socdaalka Gaafow oo isa soo tareysa

0
288

Guddiga QM ee la socodka xayiraada hubka ee Somalia (Monitoring Group) ayaa eedeyn culus oo cadeymo wadata dusha uga tuurey madaxweynaha dowlada Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, eedeyntaas oo ah inuu baasabooro Diplomatic siiyey shaqsiyaad aan ka tirsaneyn dowlada KMG ah, dhinaca kalena loo heysto eedeeymo kala duwan oo caalami ah, qaarkoodna lagu soo rogay xayiraado.

Warbixin dheer oo dhowaan guddigaas uu soo saaray ayaa waxay ku cadeeyeen in 24-kii bishii Maarso ee sanadkii hore uu amar ku bixiyay madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed in labo Baasaboor oo diblomaasi ah la gudoonsiiyo Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah aasaasihii shirkaddii Barakaat.

Guddiga ayaa sheegay in arintaas ay ka hor imaanayso cuna qabateyn golaha amaanka ee QM uu ku soo rogay Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ay ku jirto mamnuucid safarada dibeda ah, waxaana uu guddigu sheegay in Axmed Nuur uu madax waynaha ula safray dalka Turkiga mid ka mid ah safaradii uu halkaas ku tegay.

Waxau sheegeen Guddiga QM in Axmed Nuur Cali Jimcaale uu ku jiro liiska dadka lagu eedeeyo iney taageeraan wax loogu yeero kooxaha argagaxisada ah ee qaarada Afrika inkastoo dhowaan laga saaray liiska heerka caalamiga ah gaarsiisan ee ay ku jiraan dadka QM ay ku eedeeyso iney taageeraan ururweynaha Al-Qaacida.

Guddiga ayaa warbixinta isku weydiiyey saameynta ay leedahay in baasabooro diblomaasi la siiyo dad aan ka mid aheyn madaxda dowlada, ayna u sii dheer tahay xayiraado caalami ah oo laga saaray dhinaca safarada caalamka, taasoo ay sheegeen iney jebineyso xeerarka QM u yaala ee ay saxiixeen dhamaan dalalka caalamka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa guddiga baarintaanka Qaramada Midoobey ku eedeeyeen in uu siiyey baasaboor kale oo diplomatic ah hoggaamiye sare oo burcad badeed Somalia ka tirsan. Iyagoo guddiguna sheegey inuu shaqsigaas uu safar badan dibada ugu kicitimey isagoo isticmaalaaya baasaboorkaas diplomatic ah ee uusan sharci ahaan suurtagal aheyn inuu helo.

Eedeymahaas Madaxweyne Sharif Sh. Ahmed ku eedeysan yahay ayaa ah kuwa aad u culus oo cadeyn guddiga QM ay u gudbin doonaan Golaha Guud ee Golaha loo dhan yahay marka ay soo dhameystiraan howshadaan ugu dambeyn bilowga bisha August ee sanadkaan.

Madaxweynaha ayaa horey idaacadaha uga beeniyey in badan oo ka tirsan eedeynta guddiga laakiin balse taasi ma ahan mid ka hor istaagi doonta eedeynta rasmiga ah ee loo haysto isaga iyo xulifada kale ee reportku eedeeyey, waxaana looga baahan yahay  qodobo sharci oo ay isaga difaacaan musuqmaasuqa masuuliyiintaas sare ee loo haysto.